MW Biden oo joojiyay hubkii Mareykanka balan-qaaday inuu ka iibiyo Imaaraadka iyo Sacuudiga

Reading Time: < 1 minute

Dowlada cusub ee Maraykanka ee uu hogaamiyo madaxweyne Joe Biden ayaa shaaca ka qaaday in h diyaaradaha dagaalka ee casriga ah F-35 oo Imaaraatiga doonayey inuu ka iibsado Maraykanka, xukuumadii Trump ayaa u fasaxday imaaraatiga in hubkan laga iibiyo kadib markii Abu Dhabi ay xiriir la sameysatay maamulka Israel bishii September 2020.

Dhanka kale dowlada Boqortooyada Sacuudiga ayaa isaguna ka dalbaday shirkadaha laga leeyahay Maraykanka ee hubka soo saaraa hub badan oo ay ku jiraan gantaalada casriga ah mashruucaasi oo kamid ah kuwii ay ansixisay xukuumadii hore, Trump ayaa xiriir dhaw la lahaa dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman oo uu gacan weyn kasiiyey dagaalka Sacuudiga ka wado wadanka Yemen.

Sida uu ku waramay Xoghayaha Arrimaha Dibada ee xukuumada cusub, Antony Blinken oo Arbacadii shalay qabtay shirkiisii jaraa’iid ee ugu horeeyey ayaa sheegay in la hakiyey mashaariicdaan si dib u eegis loogu sameeyo inay saameyn ku yeelan karaan siyaasadooda ku aadan Barriga Dhexe iyo danaha Maraykanka ka leeyahay mustaqbalka gobalka.