Hoggaamiyaha maamulka Jubbalaan, Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo goor dhow magaalada Kismaayo kula hadlay warbaahinta ayaa faah faahiyey khasaarihii nafeed ee ka dhashay weerarkii shalay al-Shabaab ay kuy qaadeen hotel ku yaalla magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in 26-qof ay ku dhinteen weerarkaas halka dhaawucuna uu ku sheegay 56 qof
Hoggaamiyaha ayaa sheegay in dadka halkaasi ku naf waayay qaarkood ay heysteen dhalashada dalal shisheeye oo ka mid yihiin Kenya, Kanada, Ingiriiska, Mareykanka iyo Tanzaaniya.
Hoggaamiyaha ayaa tacsi u diray qoysaska dadkii lagu laayay ilaahayna uga baryay in uu ka waraabiyo jannada kuwa dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad degdeg ah.
Si gaar ah ayuu hoggaamiye Axmed Madoobe tacsi ugu diray qoyska Xildhibaan Shuuriye oo ahaa musharrax u taagnaa qabashada xilka madaxtinnimo ee maamulka Jubbalaaan oo dhawaan la filayo in ay ka dhacdo magaalada Kismaayo.
Ragga weerarka soo qaaday ayuu ho tiradooda ku sheegay 4 nin oo midi is qarxiyay labana ay ciidamada ammaanku toogasho ku dileen halka midka afraadna isaga oo nool ay ciidamadu gacanta ku dhigeen.
Laamaha ammaanuka ayuu hoggaamiyuhu ku ammaanay kaalintii ay qaateen badbaadinta dadkii ku jiray hotelka iyo sidii xirfadeysnayd ee ay u soo afjareen weerarka.
Hoggaamiyaha ayaa tilmaamay in warbixinno kale ay soo saari doonaan kaddib marka hay’adaha ammaanku ay soo gabagabeeyaan baaritaankooda ku aaddan weerarka.
Kooxda al-Shbaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka Kismaayo