MW Axmad Madoobe oo qaabilay wafdi uu hogaaminayo James Swan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocday Beesha Caalamka oo uu  hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxaa kale oo wafdiga kamid ahaa xubno kasocday  IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale.

Dhinaca Jubbaland waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay kulankan Madaxweyne ku xigeenada iyo Wasiirada Arimaha gudaha iyo Amniga.

Kulankan oo ahaa mid ay codsatay beesha caalamka ayaa   Looga wada hadlaayay hanaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro.

Qodobadii looga hadlay  shirka iyo wixii ka soo baxay oo tafatiran filo dhawaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here