MW Axmad Madoobe oo kulan gaar ah la qaatay G. Doorashooyinka Jubbaland

Reading Time: < 1 minute

Madaxwaynaha  Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam (Axmad Madoobe)  ayaa xalay kulan gaar ah  la qaatay guddiga hirgalinta doorashooyinka ee Jubbaland ee dhawaan la magacaabay. Ujeedada kulanka ayaa  in lagu bogaadiyo laguna dhiirigaliyo gudiga. MW Axmad Madoobe ayaa ula dardaarmay guddiga in ay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah.

Dhanka kala xubnihii ka socday Guddiga doorashada Jubbaland oouu hogamainayay Gudoomiye Siyaad  ayaa kulankana ka sheegay inay u qaban doonaan doorashad si xor iyo xalaal ah iyagoo ka codsaday maamulka inuu la shaqeeyo guddiga. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhawaan booqday magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey si uu u dardargeliyo qabashada doorashada.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!