Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbalad Axmad Madoobe ayaa ku hanjabay inuu xabsiga u taxaabayo xildhibanada Aqalka Sare ee Baasto & Fartaag. Axmad Madoobe ayaa ku eedeeyay labadaa xildhibaan inay doonayaa inay burburiyaan Jubbaland.
Isaga oo taa ka duulayo ayuu ku amray baarlamaanka Jubbaland inay amar ka soo daaraan lambada Xidlhibaan. Hadaba Baarlamanka dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegay in ay xasaanaddii ka qaadeen labada Senetar ee Fartaag iyo Iftiin Baasto oo ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya waxaana ay ku eedeeyeen falal amni-darro iyo Fad-qalallo.
Xildhibaanada Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay in Labadan Xildhibaan ay qas iyo fowdo ka wadaan Gobalka Gedo.
Waxaa dhanka kale lagu eedeeyay iney iska hor keenayaan shacabka iyo dowladda Jubbaland islamarkaana aysan ka shaqeyn horumarka deegaanka.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Axmad Madoobe uu aad u dhibsaday Labadan Xildhibaan islamarkaana ay tahay in kuraastooda ay kusoo baxaan kuwa kale.