MW A. Madoobe oo kulan xasaasi ah la qaatay saraakiisha ciidanka Jubbaland

Reading Time: 1 minute

Wararka ka imaanaya magalada Kismaanyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam  uu maanta oo jimco ah la qaatay kulan xasaasi ah Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland.

Iyada oo Dowlad Goboleedka Jubbaland ay ku jirto xaalad kala guur ah ayaa waxaa dhawaalahan danbe soo kala dhex galay  qalalaase amni iyo mid siyaasadeed oo ay ka faa’iidaysateen dadka nadad diidka ah oo ay u horeeyaan kooxda Al Shabaab.

MW Axmad Madoobe  ayaa Sarakiishii uu la shiray kala hadlay dardar galinta amniga Jubbaland gaar ahaan Magaalada Kismaanyo.  Madaxweynaha ayaa faray  saraakiisha ciidanka in ay adkeeyaan Nabadgalyada sidoo kalana ay soo gudbiyaan baaritaanada iyo in sharciga la horkeeno danbiilayaashii Falalkii amniga lidka ku ahaa ee u danbeeyay ka gaystay Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale MW Axamad Madoobe  ayaa sidoo kale Sarakiisha iyo Ciidamada kala duwan uga mahad celiyay sida ay naftooda ugu hurayaan nabadaynta iyo xasiloonida dalka.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Jubbaland wuxuu kula dardaarmay in ay shacabka si dhow ula falgalaan mar walbana ka shaqeeyaan badbaadada Shacabka maadama ay dartood qoraxda iyo qabowga u taagan yihiin.