Muxuyidiin Xasan Afrax ”Waa In La Soodhaweeya Balaarinta Baaxada Gobolka Banaadir”

Reading Time: < 1 minute

Muxuyidiin xasan afrax gudoomiyaha dalada Bulshada rayidka Ex Banaadir ayaa siweeyn usoo dhaweeyay balaarin lagu sameeyo caasimada dalka.

Muxuyidiin ayaa ka dhawaajiyey in gobolka baandir uu u baahanyahay in la balaariyo baaxada dhul ahaantiisa maadaama uu yahay caasimada dalka ayna deegaan u tahay dhamaan dadyowga soomaaliyeed.

Gudoomiyaha dalada bulshada rayidka ex banaadir ayaa tibaaxay inloo baahanyahay in qof waliba oo soomaali ah inuu soodhaweeyo arrinta ku aadan dib u habeeynta soohdinta gobolka banaadir.

Sh/hoose,sh/dhexe iyo xamar waxaa la isku ahaayeen gobolka banaadir sidaas daraadeed ma’ahan in haatan laga soo horjeesto balaarin lagu sameeyo caasimada dalka ee xamar.

Sikastaba ha ahaatee hadalka gudoomiye muxuyidiin ayaa kusoo beegmay xilli gudoomiyaha gobolka banaadir uu ka dhawaajiyay in balaarin lagu sameynayo caasimada dalka.