Muxuu yahay Sharciga Qabtay Matt Bryden ee aan qaban Fahad Yasin

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shan sano xabsi ah ku xukuntay Agaasimaha Hey’adda Cilmi Baarista SAHAN Matt Bryden, isagoo maqan, kaddib markii lagu helay inuu faafinayay siraha Amni Qaranka iyo xogta Ciidamada. Sidoo kale waxaa laga mamnuucayo inuu ka shaqeeyo Soomaaliya.

Sanadkii 2018 ayay dowladda Soomaaliya ka mamnuucay dalka Hey’adda SAHAN oo xarunteedu uu ahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaa tan iyo markii la waayay Bishii June 26, 2021 Ikran Tahlil Faarax aay qoyskeeda raadinayaan in aay hesho Caddaalad, balse waxaa taa is hortaagay Xafiiska Madaxtooyada oo diiday in la baaro kiiska Ikraan Tahliil isla markaana caddaaladda la horkeeno eedeysanayaasha lagu tuhunsan yahay dilka Ikraan Tahliil.

Waxaa arrin lala yaabo ah in shaqsi aan Soomaali ahayn oo loo heysto in uu bixiyay sirta ciidaka dalka isagoo maqan la maxkamadeeyo, basle kuwii dilay Ikraan oo dalka Jooga jagooyin kale loo dallacsiiyo lana diido in Caddaaladda la horkeeno.

Waa maxay Sharciga qabtay Matt Bryden ee aan qaban karin Fahad Yasin, Yasin Farey, Kullane Jiis iyo kuwa kale.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!