Muxuu Yahay Ajendaha Xildhibaanada Baarlamaanka Kulanka Ay Maanta Yeelanayaan

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen Ajendaha kulanka inuu yahay aqrinta Koowaad ee hindise sharciyeedka bartilmaameydsiga cunaqabateynta dhaqaalaha.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomin doona guddoomiyaha baarlamaanka golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyada oo ay goobjoog ka noqon doonaan kuxigeenadiisa.

Ciidamada booliska ayaa sida caadada aheyd waxa ay xireen wadooyinka ku dhaw xarunta baarlamaanka, waxayna baaritaan dheeraad ah ku sameynayaan gaadiidka yar yar ee halkaasi maraya.