Muxuu salka ku hayaa khilaafka ka dhaxeeya shirkadda Hormuud iyo Hay’adda NISA?

Reading Time: < 1 minute

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in Shirkadda Isgaarsiineed ee ugu weyn Somaliya ay ku gacan seyrtay Baaritaano la xiriira shaqaalaheeda oo lala xiriirinayo falal la xiriira waxa loogu yeero argagixisnimo.

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in Shirkadda Hormuud oo ah Shirkadda Isgaarsiinta ugu weyn Soomaaliya ay gargaar dalbatay 26-kii December, 2023, kadib weerar lagu qaaday shaqaalaheeda iyo hantideeda.

Si kastaba ha ahaatee, NISA ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay ku sheegtay in baaritaankeeda dambe ay ku ogaatay arrin naxdin leh – qaar ka mid ah shaqaalaha Hormuud ayaa ku lug lahaa qorshahan, iyagoo gacan saar la lahaa kooxihii weerarka soo qaaday.

Hormuud, ayaa dhankeeda ku andacoonaysa in NISA ay howlgalo ka fulisay laba ka mid ah laamaha ay ku leedahay Muqdisho, “ay khalkhal galiyeen adeegyadii ay adeegi jireen, isla markaana ay xabsiga dhigeen xubno ka tirsan shaqaalaha,” sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda

Talaabadan adag ayaa la sheegay in ay ka dambeysay kadib markii NISA ay dalbatay in macluumaad dhaqaale laga siiyo macaamiil gaar ah, codsigaas oo Hormuud ay ku gacan seyrtay, iyadoo ku sababeysay xadgudubyo dhanka sharciga ah oo la xiriira sirta macluumaadka macaamiisha.

Shirkadda Isgaarsiinta ayaa sheegtay in labo ka mid ah shaqaalaheeda si sharci darro ah loo xiray kaddib markii ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda Qaranka ay weerar ku qaadeen xarunta Tre Piano ee magaalada Muqdisho.

NISA ayaa sheegtay in Hormuud ay ka hortagtay baaritaanka shaqaalaha la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, waxaana la sheegay inay fududeysay baxsashadooda. Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax war ah ka soo saarin arrintan.