Waxaa sii xoogeysanaya is-maandhaafka u dhaxeeya dowladaha Turkiga iyo Maraykanka, waxayna arrimaha salka ku hayaan labo wadaad oo midna masiixi yahay, midna muslim suufi ah yahay oo dal waliba uu doonayo in midka kale loo gacan geliyo.



Fatxullaah Gulen
Madaxweyne Erdogan iyo dowladda Turkigaba waxa ay Maraykanka ka dalabayaan inay kusoo wareejiyaan wadaad lagu magacaabo Fatxullaah Gulen oo ku nool gobolka Pennsylvania. Waxa wadaadkan lagu eedeeyay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay.
Erdogan oo maqaal ku qorey wargeyska New York Time ayaa yiri “Maraykanka waxa ay ku guuldareysteen in ay fahmaan waxa ay qabaan dadka reer Turkiga, illaa inta Maraykanka ka fahmayaan muhiimadda ay leedahay in ay xushmeeyaan qaranimadeena, ilaa inta taas dhacayso iskaashigeena mugdi ayuu ku jiraa”.
Waxa kale oo uu Erdogan Maraykanka ku eedeeyaa in aysan cambaareynin isku daygii afgembiga Turkiga ee sanadkii 2016-kii. Maraykanka waa uu diiday in uu wareejiyo Gulen.
Waxaa cad inuusan marnaba Mareykanku ogolaan karin inuu Turkiga u gacan geliyo Wadaadka Gulem ee ay doonayaan, taasoo sharci adag ka yaallo dalkaasi, taasina waxay ahayd sababta kicisay dareenka Erdogan iyo dowladiisa iyo xiriirka heerkii ugu xumaa maraya ee labada dal, halka Turkigu u arko in dalka Mareykanka laga soo abaabulay inqilaabkii dhicisoobay ee dalkaasi.



Andrew Brunson
Ninkan waa baadari ka tirsan diinta masixiiga, waxa uu hoggaaminayay kaniisad ku taala magaalada Irsim ee dalka Turkiga. Labo sano iyo dheeraad ayuu ku xirnaa Turkiga, waxaana lagu eedeeyay in uu taageere siiyay kooxo Turkiga uu u aqoonsanyahay argagixiso sida PKK oo ah kooxda Kurdiyiinta Turkiga.
Arrinka micnaha samaynaya ayaa ah in mad-habta uu ka tirsanyahay baadariga ee ah Prostestan-ka ay yihiin dadkii aadka u taageeray madaxweyne Donald Trump, waxayna hadda xerta kaniisadan Trump ku cadaadinayaan in uu soo daayo Mr Brunson.
Trump oo fariin kusoo qorey boggiisa Twitter-ka ayaa sheegay in Bruson “afduub loogu heysto Turkiga, tahayna in la siidaayo”.
Hadda waxa uu ku jiraa xabsi guri, dowladda Turkigana waxa ay diidday dalab kasta oo ah in ay ku siidayso, waxayna qabtaa in nidaamkeeda garsoorka uu go’aan ka gaaro sida laga yeelayo ninkan.
Dowladda Maraykanka oo taas ka carootay ayaa cunaqabatayn kusoo rogtay Turkiga, waxana canshuuro dheeraad ah la saaray birta iyo naxaasta Turkiga ee loo dhoofiyo Maraykanka.
Labadan nin oo kaliya ma ahan waxa ay isku hayaan labadan dal, waxaase jira arrimo kale oo dhawr ah. Waxaa ka mid ah taageerada uu Maraykanka siiyo kooxaha Kurdiyiinta ee ka dagaalama Suuriya.
Inkasta oo ay ka wada tirsanyihiin gaashaanbuurta NATO, haddane sanooyinkii dhawaa si wanaagsan uma aysan wada jaanqaadin.
Isu dhawaanshaha Turkiga iyo Iran ayaa kasii caraysiiyay Maraykanka, waxaana jirta in wasaaradda maaliyadda Maraykanka ay u yeertay bangi weyn oo laga leeyahay Turkiga oo lagu magacaabo Halkbank, kaas oo loo heysto eedeymo la xiriira in uu macaamil ganacsi la sameeyay Iran si khilaafsan cunaqabataynta dhaqaale ee dalkaas lagu soo rogey.