Muxuu RW Rooble u ballan qaaday odayaasha beellaha Banaadiriga

Reading Time: 2 minutes

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Odayaasha Dhaqanka iyo Guddiga Doorashada beelaha Banaadiriga.

Kulankan ayaa waxaa uu ku saabsanaa hufnaanta doorashada kuraasta Banaadiriga iyadoo aan weli doorashada banaadiriga la bilaabin.

Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Guddiyada Doorashada Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xallinta Khilaafaadka.

“Waxaa idiin xil saarayaa xubno ka kala socda guddoonka guddiga doorashada federaalka iyo xafiiskeyga oo aan doorashada faro geli karin, aniguna waan la soca doonaa howshooda, yaan la deg degin waqti fiican ayaan qaada doonaa, warbixinta awood qeybsiga kuraastiina markii la ii soo dhameystiro ayaa qaadan doonaa go’aanka ugu haboon, Allaa igu og cid gooni ah ma wato,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

ra'isul wasaare rooble oo kala hadlay doorashoyinka duqeyda banaadiriga iyo guddiga doorashada