Muxuu RW hore, Cumar Cabdarashiid u taageeray go’aankii golaha Wasiirada

Reading Time: < 1 minute

RW hore ee JFS Cumar Cabdirashid ayaa taageeray go’aankii golaha Wasiirada. Xog aay heshay Muqdisho Online ayaa la sheegay in RW CCC uu kula taliyay RW Kheyre in heshiiska uu sax yahay isla markaana aay dowladdiisa wax ka ogeyd.

Taliyaha NISA sanbalooshe ayaa arrintan ku qanciyay in RW CCC in uu taageero go’aanka golaha wasiirada, walow aanay sir ahayn in CCC uu xiriir hoose la leeyahay dowladda Itoobiya

Ujeedks RW. CCC ayaa ahaa sida aay sheegeen dadka siyaasadda ka faallooda in uu u arkay fursad in uu dhaawaco markale Dowladdii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud masuulkeeda qaadato.

RW CCC ayaa ka codsaday RW Kheyre iyo taliya NISA Sanbalooshe in aan la shaacinin taageeridda go’aankiisa, RW hore ayaa ugu jira olole sidii Madaxweyne Farmaajo mooshin looga keeni lahaa, kooxdii ololaha CCC ayaa ka wada magaalada Muqdisho dhaqdhaqaaq aay ugu ololeynayaan in si toos ah mooshin looga keeno Madaxweyne Farmaajo iyagoo halkaa ka arkay fursad in CCC uu ku guuleysan karo haddii doorasho kale aay dhacdo.

Taliyaha NISA Sanbalooshe oo ahaa madaxa ololaha Cumar Cabdirashiid ayaa ka faa’iideysanaya fursaddan, waxaana la wada og yahay in uu isaga ka masuul ahaa soo qabashada Qalbi Dhagax iyo qalqalka siyaasadeed ee ka dhashay gacan gelinta muwaadin Soomaali ah.

Maalmo ka hor ayeey ahayd markii laga codsaday in uu is casilaan Sanbalooshe iyo RW Kheyre, waana midda keentay in Sanbalooshe uu ka dhex shaqeeyo RW Kheyre iyo RW Cumar oo xiriirkoodu uu xumaaday tan iyo markii RW Kheyre la magacaabay.

RW CCC ayaa lagu wadaa in uu dhowaan soo gaaro magaalada Muqdisho isagoo hadda baaritaan caafimaad u jooga dalka Canada.

 

[democracy id=”1″]