Muxuu Rooble kala hadlay Madaxweynaha cusub ee Imaaraadka?

Reading Time: 2 minutes

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Imaaraadka ayaa caawa magaalada Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha dowladda Isu tagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Madaxweynaha cusub ee Imaaraadka uga tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore ee dalkaas Sheikh Khalifa Bin Zayid oo tacsidiisa uu Dubai u tegay Rooble.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxweynaha cusub ee Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid gaarsiiyay dhambaal hambalyo iyo tacsi ah oo uu uga siday madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dhankiisa madaxweyne Maxamed Bin Zayid ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay doorashadii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo in guud ahaan howshii doorashada dalku ku soo dhammaatay si nabad ah.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa intii uusan shalay u amba-bixin Dubai wuxuu fasaxay oo Bangiga dhexe ee dowlada Soomaaliya laga saaray 9.6 Milyan oo dollar oo sanadkii 2018-kii ay xukuumadii Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ka xayirtay Imaaraadka.

Sidoo kale dowladda Imaaraadka ayaa isla shalay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu deeqday 9.5 Milyan oo dollar, si wax looga qabto arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta, taas oo muujineysa in markii uu meesha ka baxay nidaamkii Farmaajo uu dib u soo noolaaday xiriirka Dubai iyo Muqdisho.