Muxuu Wasiirka Cadaaladda ka hor sheegay Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka

Reading Time: < 1 minute

Maanta waxaa hor tagay Golaha Aqalka Sare Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji . Wasiirka ayaa su’aalo laga waydiiyay Hindise sharciyeedka la dagaalanka musuq-maasuqa.

Kulanka maanta ee Golaha Aqalka sare oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa  xilshdibaanadu qaarkood aragtidooda ka dhiibteen hindise sharciyeeedka  la dagaalanka musuq-maasuqa,iyagoo  sheegay in qodobada qaar muhiim tahay in wax ka badel lagu sameeyo.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Owqaafta ,Xuquuqul Insaanka , Haweenka iyo Carruurta Golaha Aqalka sare Senator Samsam Ibraahin oo qodobada qaar jawaab ka bixisay ayaa sheegtay in fikradaha ay senatarada soo jeediyeen la tixgelin doono.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo kullanka soo xiray ayaa sheegay in maalinta tallaadada la isugu soo labanaya guddiga laga doonayo iney qoraalka ku soo daraan fikradaha la soo jeediyay ee la isku raacay.

Hindise-sharciyeedka la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa waxaa soo gudbiyay Wasaaradda cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,iyadoo horay ay u soo ansixiyeen Golaha Shacabka Baarlamaanka  federaalka Soomaaliy

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!