Waxaa habeenkii xalay ahaa fadhi aad u dheer wada yeeshay Xil. Mahad Salad iyo RW Kheyre, fadhigaan ayaa waxaa si wadajir ah uga soo shaqeeyay Senator. Dhagdheer, Ganacsade Xuseen Goleey iyo siyaasiga Cali Daacuun sida aay u sheegeen Muqdisho Online howlwadeenno ka tirsan xafiiska RW Kheyre.
RW Kheyre ayaa in dhaweydba isku dayaayay in uu la heshiiyo Xildhibaan Mahad Salaad iyo Xil. Axmed Macallin Fiqi, waxaa ugu danbeyntii uu ku guuleystay in uu soo dhaweysto Mahad Salad.
Xil. Mahad Salad ayaa lagu qanciyay in uu si hoose ula shaqeeyo RW Kheyre, kulankaan oo aay goobjoog ka ahaayeen Ganacsada Xuseen Goley iyo Xil. Dhagdheer ayaa RW Kheyre wuxuu ballan qaaday in arrimaha beesha uu matalo Mahad Salaad lagala tashan doono, waxaa sidoo kale loo ballan qaaday in uu ka mid noqon doono xukuumadda marka la sameeyo isku shaandheynta taasoo uu RW Kheyre carrabka ku dhuftay in aay dhici doonto marka uu ka soo laabto safar uu Isniinta ku tagaayo dalka Mareykanka.
Waxaa xusul duub ugu jiray in kursiga beesha Ceyr Habar Gidir uu qaato mid ka mid ah musharaxiintii laga guuleystay Cabdiraxman Cabdishakuur, waxayse hadda u egtahay in rajadii uu lahaa uu god dheer ku aasay Xildhibaan Mahad Salad.