Muxuu ku dhammaaday kulankii Kheyre iyo Gud. Mursal (Xog Rasmi ah)

Reading Time: < 1 minute

Kulan lagu qabtay wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare oo ay isku arkeen RW Kheyre iyo Gud. Maxamed Mursal ayaa ku soo dhammaaday sida hoos ku qoran. Xogtan aya MOL waxaa u xaqiijiyay goobjooge ku sugnaa wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare.

RW. Kheyre aya ka codsaday Gud. Mursal in dhexdhexaadiyo isaga iyo MW. Farmajo isla markaana Gud. Mursal la siin doono waxa uu ka rabo dowladda.

Gud. Mursal aya u sheegay RW Kheyre in mooshinka uusan ahayn mid isaga uu leeyahay, balse uu yahay mooshin ay qoreen xildhibaano 92 kor u dhaafaya isla markaanay ay eedeyn u soo jeediyeen MW. Farmaajo, sidaa daraadeed uusan awood shaqsi iyo mid sharciba uusan u lahayn in uu go’aan ka gaaro.

Waxaa sidoo kale Gud. Mursal uu sheegay in uu kaliya la hadlayo ama la fariisanaayo MW. Farmaajo haddii

  1. Dib loo dhigo doorashada lagu ballansan yahay ee maamulka Koofur Galbeed.
  2. In xorriyaddiisa loo soo celiyo Mukhtar Robow laguna soo simo gacanta Gud. Mursal.
  3. In ay dowladda dib u soo celiso ciidamada ay geysay Baydhabo isla markaana ay xukuumadda caddeyso cidda ay ka tirsan yihiin ciidanka Itoobiya ee xasuuqay shacabka, maadaama ay Ururka Midowga Afrika dafireen sheegeenna in aanay ciidankaas ka tirsaneyn AMISOM.

RW. Kheyre aya u sheegay Gud. Mursal in uu dib ugu noqonaayo MW. Farmaajo latashina uu la sameyn doono. Balse uu rajo ka qabo in xal si degdeg ah loo gaaro.