Muxuu ka bilowday isku dhaca MW Farmaajo & RW Kheyre? Akhriso xogta rasmiga ah (Dokumenti)

Reading Time: 2 minutes

Ismarin waa u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa ka bilowday kaddib markii uu RW Kheyre uu amray Hanti Dhowrka in uu baaritaan ku sameeyo koontooyinka Gobolka Banaadir, waxaana arrintan ka biyo diiday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku xigeenkiisa oo kaashanaya Marwada MW Farmaajo.

Marwada MW Farmaajo Saynab Macallin ayaa diiday in la baaro Gobolka Banaadir waxayna ka codsatay RW Kheyre in uu joojiyo baaritaanka uu amray.

RW Kheyre ayaa ka biyo diiday hadalka Marwada MW Farmaajo, waxaa arrinta ugu danbeyntii soo farageliyay MW Farmaajo oo ku amray RW Kheyre in uu si degdeg ah xilka uga qaado Hanti dhowrka Qaranka. Haddaba ismari waaga ayaa ka bilowday Madaxweyne Farmaajo oo rabo in xilka laga qaado hanti dhowrka Qaranka iyo kheyre oo diidan, maadaama sida la sheegay warqada gobolka Account-diisa lagu xayiray uu amray RW. Kheyre.

In kheyre difaaco Hanti dhowrka ayaa timid kadib markii ay isku dheceen Guddoomiye ku xigeenka maaliyadda gobolka Banaadir iyo ra’iisul wasaaraha. Sida ay xogta ku heshay MOL Marwada MW Farmaajo ayaa bil walba laga siiyaa koontada gobolka Banaadir lacag dhan $150 kun oo doollar, waana midda keentay in ay diido in la xisaabiyo daqliga maamulka Gobolka Banaadir

Xuseen dhagaweyne oo ah guddoomiye xigeenka maaliyadda gobolka Banaadir oo isku heyb ay yihiin Marwada koowaad ee Qaranka Seynab ayaa amar diida kheyre uu kala hor yimid, ku sheegay in awood xoogan uu ka heysto dhanka xaafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa  ugu danbeyntii ay arrintan sababtay in RW Kheyre lagu cadaadiyay in uu istaqlaalada keeno wuuna aqbalay.

Waxaanan shaki ku jirin in shaqsiga ugu awoodda badan Villa Somalia ay noqotay Marwada MW Farmaajo, marba haddii ku guuleysatay in Kheyre uu kursiga banneeyo, balse su’aasha taagan ayaa ah maku bedeli doonta shaqsi kale oo ay isku heyb yihiin?