Waxaa ay dad badan isweydiinayaan ujeedada uu Farmaajo ka lahaa magacaabida Gudiga Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, iyo maalinta xasuuqa lagu sameeyay dadka dadka ka soo jeeda Somaliland oo ku beegan maanta oo bisha Juulay tahay 17.
Waxaa iyadana dad badan ka careeysiisay in Gudiga uu maanta magacaabay uu ku soo daray Janaraal Cabdiraxmaan Guulwade oo ka mid ahaa hogaanka taliskii Siyaad Barre ee xasuuqa u gaystay dadka ka soo jeeda Somaliland.
Talabaada uh maanta qaaday Farmaajo ayaa shacabka iyo hogaanka dadka Somaliland ay u arkeen mid ku diganaya shacabka reer Somaliland.
Cabdi Madar oo ka mid ah dadkii ka badbaaday xasuuqii dadka reer Somaliland hadana ku sugan magaalada Hargeysa ayaa yiri “.. Farmaajo waxa uu soo magacaabay Cabdiraxman Guulwade oo qabay gabadhii ina Siyaad Barre qaybna ka ahaa xasuuqii dhacay 30 sano ka hor maantana waxa uu doonayaa in Somaliland la fariisato dadkii xasuuqay … Farmaajo wax nooma reeban ee waa in dadka reer Somaliland jihaad u diyaar garoobaan”.
Waxa dad badan isweydiinayaan maxaa Keenay cadawnimada ah in maalintii la xasuuqay dadkii Somaliland in hadana kuwii xasuuqay uu dhanka Somaaliya ka soo magacaabo?