Waa wax iska caadi ah in siyaabo kale duwan loo fasiro marka ay dowlad heshiis la gasho dowlad kale ama shirkad. Taasna kama duwana waxa hadda ka dhacaya Soomaaliya.
Waxaase jira waxyaabo dhawr ah oo soo jiiday dareenka dad badan oo ku saabsan heshiiska ay wada galeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kan Kenya Uhuru Kenyatta.
Ra’isulwasaaraha Itoobiya oo goobjoog ka ahaa shirka labada madaxweyne, islamarkaasna u kala dab qaadayay ayaa soo saaray qoraal ku saabsan heshiiska, wuxuuna sheegay in laga wada hadlay wax uu ku tilmaamay ‘Isha Khilaafka’, taas oo siyaabo kala duwan loo fasirtay.