Muxuu ahaa weerarkii xalay ka dhacay Kismaay

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada ammaanka ayaa xalay ilaa saakay baaritaano dhalin badan lagu soo qabtay waxaa ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo, kadib markii bambo gacmeed xalay lagu weeray bar kontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamada Jubbaland

Inta la ogyahay hal askari iyo saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Weriyaha Kulmiye ee magaalada Kismaayo Cabdi majiid Cabaas Aadan ayaa soo sheegaya in ciidamada ammaanka ay xireen dhalin yaro badan oo lala xiriirinayo in ay ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Jubbaland.
Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa faraha ka baxay maalmihii dambe, kadib markii ay kordheen weerarada bambo gacmeedka, qaraxyada iyo dilal qorsheysan oo ay geystaan Al-shabaab

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!