Waxaa maalmo ka hor gaarigiisa uu ku qarxay agagaarka xarunta tiyaatarka qaranka Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo gaarigiisa loogu xiro miino, xilli uu kasoo tagay hotel Doorbin oo uu kula kulmay T/X NISA Fahad Yaasiin.
Xildhibaanka ayaa qaraxa ka soo gaaray dhaawac aad u culus wuxuuna ku waayay hal gacan iyo dhaawac halis ah oo kaga yaal lugta midig.
MOL ayaa heshay xog buuxda qorshaha laga lahaa qaraxa gaariga loogu xiray Xildhibaan Boorow oo ka mid ah taageerayaasha ugu cad-cad musharax Shariif Xasan Sheekh Adan. Qorshaha aya ahaa in lagu qaarijiyo Xildhibaan Boorow. Xildhibaanka aya ka biyo diiday dhowr codsi oo uga yimid Fahad Yaasiin taasoo lagaga codsanaayay in uu joojiyo taageerada Shariif Xasan isla markaana uu taageero musharaxa Madaxtooyada Mukhtaar Roobow.
Fahad Yaasiin iyo Agaasimaha NISA ayaa magaalada Muqdisho keenay nin ay isku hayb yihiin Xildhibaan Boorow oo magaciisa lagu sheegay Sheikh Mohamed ibraahim bilaal, horayna uga mid ahna gacan yaraha Mukhtaar Roobow kana mid aha kooxda Shabaab, kaasoo hadda degan xarunta Nabad Sugidda martina u ah Fahad Yasin iyo Xuseen Uurkuus, loona keenay in marka la qaarajiyo xildhibaan Boorow isaga lagu bedelo. Balse ilaah baa wax dilo oo waa uu ka badbaaday xildhibaan Boorow dilkii walow uu la jiifo dhaawac halis ah.
Markii la ogaaday in lagu fashilmay qorshahii lala damacsanaa in lagu qaarajiyo Xildibaan Boorwo ayaa waxaa Fahad Yaasiin uu bilaabay in uu la hadlo caa’ilada xildhibaanka una ballan qaaday in haddii uu xildhibaanka ka tanaasulo xildhibaanimada loo diraayo laguna soo daaweynaayo magaalada Dooxa ee dalka Qatar.