Muxuu ahaa nuxurkii shirkii Jaraa’id ee uu maanta qabtay Ugaas Xasan Ugaas Khalif 

Reading Time: 2 minutes

Waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baladweyne Ugaas Xasan Ugas Khalif. Shirka Jaraa’id ayaa waxa goobjoog ka ahaa cuqaasha, Indheergaradka Hiiraan, Ciidama AMISOM. Shirkaan Jaraa’id ayaa ahaa mid uu Ugaasku waxyaabo badan uga hadlay isaga oo ka digay dhibaato soo wajahda reer Hiiraan.

Shirkii uu qabtay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif ayaa waxaa lagu soo koobi karaa 7 qodob oo kala ah:

1) Ugaaska ayaa hoosta ka xariiqay dhanka Amniga in dadka reer Beledweyne sigteen iyadoo dad dibada ka yimid iyo gudahaba ay ka shaqeynayaan amni dari baahsan inay ka abuuraan Beledweyne isagoo soo qaatay maahmaahdii Soomaaliyeed aheyd nin sigtay ma nabad gelin. Isagoo Ugaaska hoosta ka xariiqay in nabadgelyada Hiiraan ay laba nooc tahay mid lagu talagalay iyo mid iska socota iyadoo Hiiraan weligeed helin nabadgelyo lagu talagalay. Ugaas ayaa bidhaamiyay in reer Hiiraan mas’uuliyad gaar ah iska saaraan.

2) Ugaaska ayaa hoosta ka xariiqay in dad kasoo jeeda beledweyne ay wadaan qalqal gelinta shacabka isagoo tusaale maldahan u soo qaatay in nin uu yiri ” war hebeloow waxaan tirineynaain doqonta reerkeena ku jirta iyadoo doqonta aysan iskuba heysan inay doqon tahay.” Ugaaska ayaa bidhaamiyay dad noocaas inay ku dhex jiraan bulshada Hiiraan.

3) Ugaaska ayaa u digay dadka fitinka iyo rabshada ka wada Hiiraan inaysan u shaqeyn doonin qorshahoodana uu fashil ku danbeeyn doono.

4) Ugaaska ayaa ka hadlay dhismaha Golaha degaanka ee magaalada Beledweyne laga daahfuray isagoo calaamo su’aal dul dhigay isla markaan si sarbeeb ku jirta uga digay qorshahaan inuusan shaqeynin iyadoo tusaale u soo qaatay inuu horseedi karo amni daro baahsan qorshahaan. Ugaaska ayaa sheegay inay ka baaran degid iyo cilmi baaris iyo ka fiirsasho marka hore u baahan dhismaha golaha degaanka oo ku tilmaamay wax wanaagsan laakiin shacabka tuulooyinka Guufaale iyo kuwa kaleba aysan fursad u heleynin ay ka qeyb qaataan dhismaha golaha deegaanka.

5) Ugaaska ayaa dhanka kale tilmaamay qorshahaan dhismaha golaha degaanka Beledweyne inay horboodayaan dad ka yimid Wajeer siduu hadalka u dhigay oo aan wax aqoon ama cilmi baaris ama aqoonis gaar ah u laheyn qaab degaanka dadka iyagoo ku doodaya inay sameynayaan dhismaha golaha deegaanka Beledweyne. Iyadoo dadka aqoonista aan u laheyn dhismaha golaha deegaanka howshahooda ka bilaabay la shirada qabaa’ilo iyagoo u jeedadooda tahay inaykala sii fogeeyaan oo dadka kala dilaan. Qorshahaan dhismaha golaha deegaanka ayuu sheegay inuu qab qarsoodi ah uu ku bilowday iyadoo uu sheegay in qarsoodiga ay ka wanaagsan tahay shacabka Hiiraan in loo soo bandhigo qorshahaan oo aan wax qarsoodi ku dhex jirin.

6) Ugaaska ayaa bidhaamiyay qorshaha dhismaha golaha degaanka dadka gadaal ka riixaya ujeedada ugu weyn ay ka leeyihiin ay tahay in gobolka lagu kala yaaco oo dagaalo iyo amni dari baahsan u horseedaan.

7) Qodobka ugu danbeeyay ee Ugaaska shirkiisa Jaraa’id ayaa ku gunaanaday in shacabka Hiiraan ay dantooda gartaan oo ay ku baraarugaan una istaagan mas’uuliyadda danahooda iyagoo kala soocaya waxa u wanaagsan shacabkooda iyo waxa aan u wanaagsaneyn.