Aabaha Dhalay Aa,isha ilyaas Aadam oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu Faah-faahin ka bixiyay qaabkii uu u dhacay Dilkii Khisaaska ahaa oo Saakay lagu fuliyay labo kamid ahaa ragii dilka iyo kufsiga ugaystay Caa,isha Ilyaas waxa uuna sicad u sheegay in uu ku qanacsanyahay waxii dhacay.
Aabaha oo wax laga weydiiyay xukunka eedaysanaha sedexaad ayaa waxa uu sheegay in baaritaan lagu sameeynayo mudo 10 Cisho ah Kadibna Go,aan laga gaari doono.
Toogashada ragaan ayaa waxaa isha ku hayay dhamaan Soomaalida waxaana Baraha Bulshada qabsaday Qisaastii Saakay Boosaaso ka dhacday oo Dadku aad u hadalhayaan.