Muxu Salka Ku Hayaa Mooshinka Laga Wado Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Faarax Maxamed Cismaan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in ay mooshin ka wadaan madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare.

Waxa uu tilmaamay Xildhibaan Faarax in Waare ay ku eedeynayaan is badal la’aan iyo inaanu la tashan golaha sharci dejinta ee maamulkaasi.

Dhanka kale, xildhibaanka ayaa sheegay in xiisada ka jirta B/weyne uu sabab u yahay madaxweyne Waare oo isaga oo aan la tashan beelaha Hiiraan sameeyey isbedallo dhanka maamullada gobolka iyo B/weyne ah.

Maalmihii danbe aya waxa sii kordhayay Xiisada ka dhex taagan Madaxda Sare ee iyo Xildhibanada Baarlamanka Maamulka Hirshabeele.