Muxu ahaa kulankii xalay qarsoodiga ahaa Shiikh Sh. & Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Xalay xili danbe waxaa baabuur aan lahayn astaan gaar ah si qarsoodi ah loogu soo qaaday Shiikh Sharif Shiikh Axmad waxaana loo geeyay Farmaajo.

Shiikh Sharif ayaa waxaa Villa Soomaaliya laga soo galiyay albaabka danbe, oo inta badan xiran. Sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamida howl-wadeenada Madaxtooyada oo fududeeyay imaatinka Shiikh Shairf in uu Shiikhu yimid isaga oo aad isku qarinayo.

Farmaajo ayaa gabi ahaanba amray in dhamaan Shaqaalaha Xafiiska Madaxtooyada la fasaxo xalay xiliga danbe iyaga oo loo sheegay in Farmaajo uusan caawa dad qaabilaynin.

Waxaa muuqata in Midowga Musharaxiinta u kala dhuumanayaan Fahad iyo Farmaajo ayaga oo rajo ka qabo in dhaqaale ka helaan ama kaga dhigto qorshaha labaad “Plan B”.

Kulankaan ayaa ah mid uu si qaasa u codsaday Shiikh Sharif. Farmaajo iyo Fahad ayaa sidii kubada ugu ciyaarayo Musharaxiinta ka tirsan Midowga Musharaxiinta. Ujeedada kulumadaan ayaa ah in laga jabiyo Midowga Musharaxiinta 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!