Muwaadiniin Soomaali ah oo laga soo badbaadiyay dagaalka dalka Ukraine

Reading Time: < 1 minute

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay xaaladihii u danbeeyay ee Soomaalida wali ku xanibad gudaha iyo xuduuda dalka Ukraine oo dagaalo uu horboodayo Ruushka ay ka socdaan mudo ka badan 30 cisho.

Qoraalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in lagu suura galiyay in lagu soo badbaadiyo 348 muwaadin oo Soomaali ah, kuwaasoo u badnaa dadkii ku go’doomay colaada wadankaasi, dadka la soo samata bixiyay qaarkood ayaa la sheegay iney cadeymo la’aan ahaayeen, maadaama ay isaga soo cararaeen xaafadohoodii.

Wasaaradda waxa ay sidoo kale sheegtay iney fududeysay in 65 arday lagu meeleeyo xarumaha tacliinta sare ee dalka Hungary, kadib markii ay ka diiwaan geliyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya arrimaha ay danaynayeen, kuwaasoo tacliintooda halkaas ma sik wadanayo.

Si kastaba, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku boorrinaysa ardayda Soomaaliyeed ee iska diiwaan gelisay inay wax ka bartaan dalka Ukrain, isla markaana xiisaynaya inay waxbarashadooda sare ka sii wataan meel ka baxsan dalka Ukraine inay is-diiwaangeliyaan iyagoo buuxinaya foom ay u soo dirtay wasaarada oo bogogeeda laga heli karo.