Muwaadin Soomaali-Mareykan oo lagu karantiilay Kenya

Reading Time: < 1 minute
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.
[sales_countdown_timer id=”salescountdowntimer”]

Wargeyska The Standard Media ee ka soo baxa Magaalada Nairobi ayaa qoray in Muwaadin Soomaali Mareykan ah lagu karantiilay Xarun Caafimaad oo ku taalla Dalka Kenya.

Muwaadinka Soomaali Mareykanka ah oo 72-jir ah ayaa marka hore waxaa lagu qabtay Bar koontarool oo ku taalla inta u dhexeeysa Degmooyinka Lodwar iyo Kaakuma ee dalka Kenyan, waxaana looga shakiyay inuu qabo Cudurka halista ee Coronavirus.

Muwaadinka ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Degmada Kaakuuma ee dalka Kenya, waxaana lagu arkay qandho ah, isagoona ugu dambeyntii la karantiilay muddo 15-maalmood sida Madaxa Caafimaadka degmadaas u sheegay Standard Media.

Sidoo kale Muwaadinka Soomaali-Maraykanka oo aan magaciisa la shaacinin waxa al sheegay inaan horey loo baarin tan iyo markii uu bishan Maarso 16-da ka yimid Gobalka Boston ee dalka Maraykanka,.

Dalka Kenya ayaa waxaa la xaqiijiyay in 25-qof uu ku dhacay Cudurka halista ah ee COVID-19, isla markaana Wasiirka Caafimaadka dalkaasi ay meel goobi dadka ku karantiishay.