Muwaadin Soomaali ah oo lagu soo eedeeyay dambi nacayb ah

Reading Time: < 1 minute

Dacwad oogeyaasha Magaaladda Los Angels ee Dalka Mareykanka ayaa Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Maxamed Cabdi Maxamed waxaa ay ku eedeeyeen in uu ku kacay Dambi nacayb ah.

Xeer ilaalinta ayaa sheegay in Maxamed uu isku dayay in uu gaari jiirsiyo labo Nin oo Asal ahaan Yahuud ah isagoo ku dhawaaqayay Hadallo nacayb ah.

Booliiska Los Angels ee Mareeykanka ayaa TV ga CBS u sheegay in Muwaadinka Soomaaleed ee Maxamed Cabdi Maxamed oo 32 jir ah gaarigiisa laga helay hub wax dila.

Eedo ah Isku day dil iyo Nacayb ayuu wajahayaa Maxamed waxaana lagu wadaa in sidaan oo kale maxkamdda la horgeeyo marar kale.

Lama oga sida ay dacwadda Maxamed ku soo idlaan doonto iyadoona ay jiraan qareno u doodaya si aan xukun ugu dhicin.

Soomaalida Mareykan ku nool ayaa qaarkood ay shegaan in mara badan iyadoo aysan lahayn danbiyo si sharci adrro ah xeer ilaalinta ugu oogto dacwado balse badi ayaa hela qareeno u dooda kadib la sii daayaa.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!