Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu dhawaan saxiixay toogasho dad lagu soo eedeeyay in ay ku kaceen falal argagaxiso. Farmaajo ayaa ilaa iyo intii la doortay waxa uu ka leex-leexanayay in uu soo saaro qoraal uu ku amrayo dilka dad Soomaaliyeed madaamo degaanka uu wali uu sida rasmiga uga dagan yahay dalka Maraykanka ay mamnuuc ka tahay dilka dadka.
Farmaajo ayaa maalintii doraad ahayd waxa uu galay danbiga ugu way ee uu galo qof Maraykan ah kaas oo ah amarka dilka muwaadin u dhashay dal kale , ha noqoto mid sharci ah iyo mid sharci daro ahba.
Farmaajo aya waxa uu qabaa dhalashada dalka Maraykanka, walina waxa uu bixiyaa canshuur isaga oo canshuur bixinta ku sheego in uu wali degan yahay Magaalada Buffalo oo ka tirsan gobolka New York. Farmaajo oo cabsi kaga jirta in uu lumiyo dhalashada Maraykanka ayaa wali ku adkeysanaya in uu yahay muwaadin Maraykan ah oo si rasmi ah u degan Maraykan laakin shaqo dibada ugu maqan.
Dhanka kale Farmaajo ayaa ka baqaya in uu cago dhigo dalka Maraykanka isaga oo madaxweyne sheeganaya isla markaana ah muwaadin Maraykan ah. Waxa dhowr magaalo oo ku yaalo dalka Maraykanka ka taalo dacwado ay ka soo gudbiyeen muwaadiniin Soomaali ah dacwooyinkaas waxa gacanta ku haya qareeno magac wayn ku leh dalka Maraykanka kuwaas oo sugaya in uu mar uun cagaha soo dhigo dalka Maraykanka isaga oo aan ka tanaasulin dhalashada dalka Maraykanka.
Mar alaale iyo marka uu yimaado dalka Maraykanka waxa lagu soo oogayaa dacwado taas ayaana keeni doonta in aan loo ogolaan in uu ka baxo dalka Maraykanka ilamaa uu ka xaadiro maxkamada dacwada ku soo oogtay.
Sida MOL ay u xaqiijiyeen dilkii doraad lagu fuliyay wiilasha dhalinyarada ee uu Farmaajo amray dilkooda ayaa waxa durbadiiba laga diiwaan galiyay maxkamada magaalada Buffalo ee Gobolka Newy York. Qareenada horay u hayay dacwado loo hayso Farmaajo ayaa maalinta bisha Juulay tahay 16ka ee sadankan waxa ay si rasmi ah u gudbin doonaan qoraal kooban oo lagu wareejinayo xafiiska Xeer ilaaliyaha Gobolka New York Letitia James.