Muuse Biixi oo qorshe la’aan lagu eedeeyay!!

Reading Time: < 1 minute
 Xildhibaan Siciid Warsame oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo dhaliilo usoo jeediyay xukuumada Muuse Biixi.
Xildhibaan Siciid ayaa ku dhaliilay Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi, inaysan jirin wax qorshe oo ay ka leedahay Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa sheegay in wax natiijo ah laga gaadheyn wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya inta ay xukuumada Biixi bilaa qorshe ku galayso Wada-hadaladaasi.
Isagoo ugu dambeyntiina ugu baaqay Xukuumada Muuse Biixi iney qorshe ka yeelato wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, haddii kale ay isku badali doonaan Wada-hadalada Soomaaliya oo qudha, kuwaasi oo ku qotomi doona Wada-hadal tabasho, taasi oo ku sheegay inay meesha ka saareyso wada-hadal lagu noqon karo labo dowladood.
Sikastaba, Dhowaan ayaa la filayaa inay dib u furmaan Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, oo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga.