Madaxweynaha Somaliland oo wali ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka, waxaa uu Kulan La qaatay Masuul Sar-sare oo ka kala Ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibeda Maraykanka, hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee u qaabilsan Maraykanka (USAID), iyo Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka.
Kulanka dhinacyada ayaa waxaa looga hadlay xoojinta iyo dardar-gelinta xidhiidhka labada dal, iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo horumarka ee danta u ah labada dhinac.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Somaliland ayaa dhinacyada ugu mahadceliyay soodhaweyntooda iyo garabka istaaga taageernimo ay u muujiyeen, isagoo xusay in arrimo badan ay ka wada shaqeyn doonaan.