Muuse Biixi Oo La Kulmay Masuuliyiin Ka Socota Wadanka Uk

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ballaaRan oo ka socda dalka Ingiriiska oo ay hoggaaminayso wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Afrika, ahna madaxa hay’adda horumarinta caalamiga ah ee DFID. Harriett Baldwin.

Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay weftiga ka socda dalka Ingiriiska, ayaa diiradda lagu saaray arrimo door ah Sidda wada-shaqaynta labada dhinac ee dhinacyada siyaasadda, horumarinta iyo iskaashiga, waxana madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka  Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire .

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Mudane Sacad Cali Shir, ayaa markii uu kulankaasi soo dhammaaday warbaahinta uga warramay waxyaabihii ay madaxweynaha iyo weftiga ka socda dalka Ingiriisku sida gaarka uga wada-hadleen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxweynaha iyo weftigu waxa ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid tahay iskaashiga labada dal ee dhinacyada iskaashiga, horumarka, nabadgelyada, kaabayaasha, doorashooyinka iyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, wada-hadalkaasina si wacan buu u dhacay, ingiriiskuna waa dawladda inoogu deeqda badan, aad iyo aadna waannu uga mahadcelinayey deeqdaas uu Ingiriisku ina siiyo, waxana aannu isla meel-dhignay inaynnu is-kaashigeennaa iyo wax wada-qabsigeennaas aynnu halkaas kasii wadno.” ayuu Wasiir Sacad.