Iyado dhawan ay sare u kacday Xiisada Siyaasadeed ee Somaaliya iyo Maamulka Somaliland aya waxa ay Madaxda ugu sareysa Maamulkasi uu shegay in dacwad ay u gudbiyeen hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawada ee ICAO.
Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dacwadaasi ay kaga codsadeen in laga noqdo heshiiska Hawada loogu wareejinayo Soomaaliya bartamaha sanadkaan.
Waxaa uu xusay in Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Nairobi u joogo baaqaasi ay udireen Qaramada Midoobay ee ay cabashada ku gudbiyeen.
Somaliland waxaa ay sheegtay in ay Hawadeeda laga maamuli karin Soomaaliya.
Somaliland waxay sheegtay in heshiisyo ay kala saxeexdeen xukuumadii Xasan Sheekh Maxamuud oo ay dowladu Farmaajo ka baxday.