Dowlada kenya aya maanta hawada ka saartay qaar ka mid ah warbaahinta dalkaasi ee muuq baahiyayaasha ah.
Muuqbaahiyayaashan aya lagu eedeeyay inay baahiyeen dhaarinta hogaamiyaha mucaaradka ah ee xisbiga NASA ee dalkaas Raila Odinga.
TV-yadda Citizen , NTV iyo qaar kale ayaa la shegay in ay diiden u hogaansamida amarka dowlada kenya,iyagona baahiyay dhaarinta hogaamiyaha xismiga mucaaradka.
Booliska Kenya ayaa sidoo kale mamnuucay xafladda dhaarinta Raila Odinga, iyagoona buux dhaafiyay fagaaraha Uhuru Park.
Hogaamiyeyaasha Mucaaradka ee Kenya ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ku guuldareysatay inay wax wadahadal ah la furto isbaheysiga mucaaradka.