Waxaa weli socota tirakoobka dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay dhawr qarax oo xalay ka dhacay magaalada Beledweyne xili ay halkaasi ka socotay doorashada qaar kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka.
Dadka ku dhintay qaraxan waxaa kamid ahayd Xildhiibaanad Aamina Maxamed Cabdi iyo qaar kamid ah illaaladii la socotay, walow ay jiraan dad badan oo waxyeelo soo gaartay oo aan si rasmi ah weli loo shaacin.
Qaraxyadan oo dhacay salaadii cishe ka dib ayaa la rumeysan yahay inay isugu jireen ismiidaamin ah iyo mid kale oo la dhigay bartamaha magaalada ayaa waxaa sheegtay kooxda Argagaxisada ah ee Al Shabaab.
Muuqaalka goobaha qaraxyada ka dhaceen ayaa muujinaya baaxada qaraxyada iyo waliba inuu ahaa weerar si weyn loo soo qorsheeyey waana weerarkii labaad oo ka dhaca magaalada Beledweyne tan iyo markii ay bilaabatay doorashada Golaha Shacabka.
Qaraxa ugu khaasaraha badnaa ayaa la sheegay inuu ahaa mid gaari oo la dhigay meel u dhaw isbitaalka kadibna la qarxiyey markii halkaasi ay tageen dad badan oo u gurmanayey dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxii koowaad oo ahaa mid ismiidaamin ah.












