Muuqaal Prank ahaa oo Kiiskiisa ay xukun kasoo saartay Maxkamadda Ciidamada

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun kasoo saartay Kiis aan hore loo arag oo loo sameeyay qaab Prank (Jiliin) ah oo ay sameeyaan koox dhalinyarro ah.

Kiiskan ayaa waxaa abaabulay Wiil dhalinyaro ah oo laga keenay dalka Sweden oo lagu magacaabo Zakariye Maxamuud Warsame oo Maxkamadda u sheegay in dhaqan celin loo keenay dalka, balse uu rabay inuu dib u laabto oo hooyadiisa ay lacag u soo dirto.

Kooxda Prank-iga ayaa ujeedkoodu ahaa in marka loo muujiyo in wiilka la ciqaabayo ay hooyadii lacag uga qaataan, kadibna uu dib ugu laabto dalkii laga keenay.

Dhalinyarradan oo ka kooban saddex ayaa deegsaday hub iyo dareys uu lahaa askari isna lasoo taagay maxkamadda, wuxuuna sheegay inuusan ogeyn, raalina ka ahayn, qorigiisana aanu cid u dhiibin.

Mid ka mida dhalintii muuqaalkan jishay ayaa sheegay inuusan weligiis ku fekeran in la horgeyn doonta Maxkamadda ciidamada iyo Col. Shuute, ayna iska falaadayeen.

Maxkamadda ayaa kooxdan ku xukuntay in loo diro dhaqan celin, iyadoo askariga isna lagu xukumay in lagu xukumo ilaalinta xarumaha dowladda.