Mutlaq B. Majid oo ku soo beegan Muqdisho? Wadahadalka Kenya & Soomaaliya oo dib loo furayo

Reading Time: < 1 minute

Waxaa la filayaa in uu dhawaan safar aan la shaacin  uu Muqdisho ku yimaado lataliyaha Amiirka dalka Qatar Mutlaq bin Majid Al Qahtan.ninkaan oo horay ugu guulaysaty in uu dib u soo celiyo xiriirka  labada dal ayaa la filayaa inuu dib u  bilaabo wadahadalka la xiriiira sidii xal loogu heli lahaa khilaafka bada ee labada dal.

Safarka wakiilka ayaa ku soo aadayo iyada oo ay maalintii talaadada ay maxkamada caalamiga  ay go’aamisay dacwadii badda ee u dhaxeeysay Soomaaliya Kenya. Qatar ayaa horay heshiis ula gashay dalka Kenya in ay  soo saarto shidaalka ku jira badda u dhaxeeysa Soomaliya iyo Kenya.

Wakiilka ayaa  sidoo kale la filaya  in uu safar ku tago dalka Kenya, isaga oo halkaas kula kulmi doona madaxweynaha  dalka Kenya Uhurra Kenyatta. Dhanka kale, waxaa asbuucaan jooga magalaada Doha ee dalka Qatar wafdi ka socda dalka Kenya oo kala hadaya dowlada  Qatar arimaha badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!