Mus,uul ka tirsanaa Gobolka Banaadir oo lagu helay Al-shabaabnimo oo xukun Ciidan lagu riday

Reading Time: < 1 minute

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaalia ayaa waxa ay xukun ku riday Ku Simihii Agaasimaha Shaqadda Gobalka Banaadir, Nuur Cali Axmad (Mahad Alle) waxayna ku xukuntay Xabsi Ciidan oo 3 Sanno ah, kaddib markii lagu helay inuu horay uga mid ahaan jiray Alshabaab.

Sidoo kale waxay Maxkamaddu sii daysay C/laahi C/raxmaan Maxamed oo ay walaalo ahaayeen Basiiro oo la aaminsan yahay inay ahayd qofkii isku miidaamisay Xarunta Gobalka Banaadir.

Shaqsigaan ka tirasanaa Madaxda Sare ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa Bilhii la soo dhaafay socday baaritaano laxiriira kiis lagu soo eedeeyay ugu dambayn Maanta ayeey Maxkada Ciidamadu xukun ku riday.