Musuqa ka jira Garoonka Adan Cadde oo xarga goostay (Caddeeyn)

Reading Time: 3 minutes

Hey’adda Socodaalka Jinsiyadaha ayaa isku badashay meel lagu dhaco Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo kuwa Ajnabiga ah.

Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, qaar ka tirsan Madaxda Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa hirgeliyey qorshe ay ku boobayaan lacag aan ku jirin Nidaamka lacag qabashada ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Korneel Maxamed Aadan Koofi oo horey uga tirsanaa Kooxda Al-Shabaab iyo Mas’uul kale oo lagu magacaabo C/raxmaan Maxamed Cali Caadle oo ka tirsan Hey’adda ayaa iska kaashaday mashruuc laga sameeyey Dhaqaale aad u badan.

Mashruucaas lacagta laga sameeyey ayaa sida uu nidaamka yahay waxaa iska lahaa Wasaaradaha Caafimaadka iyo midda Maaliyadda Balse iyadoo lagu takrifalayo awoodda Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa lagu sharciyeystay hirgelinta Mashruucaas oo lacago badan laga soo xareeyo Maalin kasta.

Koofi iyo C/raxmaan Caadle  ayaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ka dhexsamaystay kunteenar qol ah oo lagu bixiyo Warqad la sheegay inay tahay hubinta Caafimaadka dadka Ajaanibta ah ee kasoo dago Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde International.

Xafiiskaas oo ay iska kaashadeen Koofi iyo C/raxmaan Caadle waxaa qof kasta oo Ajnabi ah looga qaadaa lacag gaareyso illaa 75 Dollar sida ku cad Documentiga hoos ka muuqdo .

Midda ugu yaabka badan ayaa ah in Dadka Ajaanibta ah aan la marin wax caafimaad ah maadaama dadka mashruucaan wato aysan wax aqoon ah u laheyn Arrimaha Caafimaadka balse waxaa la buuxiyaa waraaq taalo Xafiiska kadibna waxaa qofka laga qaadaa Lacagta taasoo ah musuq maasuq aan geed loogu soo gamban.

Midda kale oo Mashruucaan sharci darro ka dhigeyso ayaa ah inaysan ka war qabin Wasaaradihii shaqadaan lahaa oo kala ah Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

lacagaha Ruqsada iyo mida Visaha dalka soomaaliya lagu soo galo waxaa loo shubaa Akoonka Wasaarada Maaliyada  Balse lacagtaan ayaa iyadoo Cadaan ah waxaa gacanta loo galiyaa Gabadh lagu magacaabo Nimco Maaxamuud taasoo ay shaqaaleysiisteen Koofi iyo C/raxmaan Caadle.

Caadle ayaa ah Nin ay is fahamsan yihiin Taliyaha ka sareeya  Maxamed Aadan Koofi waxaana jiro Mashaariic badan oo ay labadaan Mas’uul ka sameeyaan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha waxaana arrintaan ku raad joogto Shabakadda Caasimadda Online oo dhawaan soo bandhigi doonto Mashaariic kale oo si sharci darro ah loogu fuliyo hey’adaan oo ku jirto Xabsi.

Cabdiraxmaan Caadle ayaa waxaa dhahay Maxamed Cali Caadle Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle

Mashruucaan ay iska kaashanayaan labadaan Mas’uul ayaa kusoo aadayo XIlli Wasaaradda Maaliyadda ay sheegtay in nidaam loo sameeyey Canshuuraha iyo Daqliga Gudaha isla markaasna aysan dhici doonin in hadda kadib la lunsado Hantida Qaranka balse waxaa muuqato inaysan weli Wasaaradda ka adkaan Shirkado iyo Shakhsiyaad lunsado Hantida dadka Soomaaliyeed oo muddo badan kusoo jiray dhibaato.

Dowladda ay hoggaanka u hayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre ayaa horey u ballan qaaday inay joojin doonaan Musuq maasuqa ka jiro Hey’adaha Dowladda balse waxay u muuqataa inay arrintaan ku kooban tahay kaliya meelo gaar ah balse aan weli la gaarsiin qeybaha kala duwan ee Hey’adaha Dowladda.

Prof. Cabdi Maxamed Waasuge oo ah Barre iyo Falanqeeyo Siyaasadeed ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay arrintaan si deg deg ah wax uga qabato maadaama hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ay tahay garab muhiim ah oo ka tirsan Dowladda.

” Adeerow Masuq maasuqaan ka jiro Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha waxay dhaawac xoog leh ku tahay Dowladda Soomaaliya, haddiiba dadkii Ajaanibta ahaa ee dalka soo booqanayey sidaan loo xadayo, maxaa diidayo in Ajaanib kale oo Argagixiso ah lasoo geliyo dalka, arrintaan yaan loo qaadan mid sahlan waa in si deg deg ah wax looga qabtaa isla markaasna Garoonka Diyaaradaha la geeyaa Saraakiil qaas ah oo ka madax banaan hey’adaan si loo hubiyo inaysan dalka soo gelin  Argagixisada dhibaatada ka wado Adduunyada, weliba waqtigaan la joogo oo ay Kooxda Daacish baxsad kasoo tahay Siiriya , Ciraaq iyo meelo kale” ayuu yiri Prof. Cabdi Maxamed.