MOL aya heshay xisaab xirka miisaaniyadda dowladda federaalka ay u gudbisay beesha caalamka, balse aanan lala wadaagin hay’adaha leh korjoogteynta iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda oo ay ugu horreeyaan wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Ra’isul wasaaraha.
Sida aad ku aragtid bogaga 13 iyo 14. Waxaa ka qoran mushahaarka bilaha Abriil, May iyo Juun ee sanadkan 2018. Sida shaxda ka muuqato labada gole waxay qaateen boqolkiiba boqol mushaharkooda si aanay u bilaabin qeylo dhaan iyo la xisaabtan. Hay’ado yar yar aya sidoo kale waxay heleen 100%, sida hanti dhowrka & la taliyaasha RW Kheyre. Isku soo duub waxaa isku celcelis mushaar ahaan loo bixiyey seddexdaas bilood %69.6 boqolkiiba. Taasi waxay beenisay in mushaharka dhammaan hay’adaha dowladda bil walba la bixiyey.
Waxaa kale iska cad in sababta labada gole ee barlamaanka loo siiyey musharkooda 100% aay tahay in la aamusiiyo lagana dhameysto wixii la rabo.
Waxaase nasiib darro ah sida aad ku arki doonto in ciidamada naftood hurayaasha ah ee dagaalka kula jira kooxaha Shabaab la siiyey keliya %74 ciidanka boliiskana %53 boqolkiiba.
MOL oo weli ku guda jirta baaritaanno la xiriira qaabkii loo musuqay maaliyadda aya laxan dhawaan idiin soo gudbin doonaa caddeeymo la xiriira qaar ka mid ah madaxda sare oo u qoray jeegag malaayiin doollar ah shaqsiyaad shacab iyo ganacsato isugu jira kuwaasoo xigto iyo saaxiibo la ah madaxda sare ee dowladda, waxaa kale oo gabogabo noo maraya warbixin wadata caddeeymo guryo uu ka dhisanayo wasiirka Maaliyadda JFS Cabdiraxman Beyle magaalada Hargeysa, waxaanan idinla wadaagi doona sawarada iyo documentiyo caddeynaya lacag uu si joogto ah ugu diro magaalada Hargeysa taasoo lagu fuliyo dhismaha guri iyo hotel uu leeyahay Wasiirka Maaliyadda.
Xisaab xirka miisaaniyadda oo dhameystiran halkan kala bax
[pdf-embedder url=”http://46.101.175.207/wp-content/uploads/2018/11/Quarterly-financial-report_second-quarter-2018.pdf” title=”Quarterly financial report_second quarter 2018″]