Sida ay sheegayaan warar aan ka helnay ilo wareedyo muhiim ah oo lagu kalsoon yahay shaqaale ka tirsanaa Hay’adda duulista iyo Saadaasha Hawadda ayaa la ceyriyey, kuwaasoo muddo sanado ah si mutadawacnimo ah uga howlgalayey xarunta heyaddaas ee Magaalada Muqdisho.
Shaqaalahan oo dhowr iyo toban qof gaaraya ayaa la sheegay iney muddo dheer u soo dhabar adeygeen shaqada, ayna ku soo shaqeeyeen duruufo adag iyo xaalado qalafsan, halkii ay ka sugayeen in mushahar loo bilaabana shaqada laga saaray, iyagoo booskoodana lagu bedelay shaqaale kale.
Talaabadan ayaa waxaa la sheegay iney ka dambeeyeen Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya iyo Maareeyaha Hay’adda duulista & Saadaasha hawada Mohamed Abdullahi Salaad (Omaar) iyo Yuusuf Abdi Abdulle (Jaalle), kuwaasoo Shaqaalaha ay ceyriyeen ku bedelay shaqaale kale oo ay wadaagaan heyb qabiil, iyadoo qaarkoodna laga keenay dibeda sida ay sheegeen qaarka mid ah howlwadeenada Wasaarada Duulista oo Magacooda ka gaabsaday.
Shaqaale kale oo ka tirsan Waaxda Duulista ayaa iyana sheegaya iney soo food saartay cabsi la xiriirta in shaqada laga saaro, halka qaar kalena loogu hanjabay iney waayi doonaan shaqadooda.
Falkan ay ku kaceen Wasiirka iyo Maareeyaha ayaa waxa si weyn u gilgishay xafiisyada Wasaaradda iyadona hadal heynta ugu weyna ay tahay arintaasi.