Mustafe Cajgar, Fahad Yasiin, Kullane Jiis iyo Farmaajo oo Wada Qorsho Khater ku ah Somaliya.

Reading Time: 2 minutes

Mustafe cagjar oo uu warramayey warbaahinta Itoobiya, laanta Afka Somalia ah ee VOAna ay sii deysay ayaa ku sheegay inay dowladda Itoobiya  waddo qorshooyin halis ah. Mustafe iyo Itoobiya oo kaashanaysa Farmaajo, Fahad, iyo Kullane Jiis ayaa damacsan laba qorsho oo halis ku ah umadda Somaliyeed.

Mustafe Cagjar oo ku sugan degmada Feefeer ee  xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago degaanka Soomaalida ayaa sheegay inay jiraan laba qorsho oo muhiim oo ay dowladda Itooboya ku dhaqaqi doonto.

Qorshayaashaas ayaa kala ah:

  1. In marka hore Shabaab laga sifeeyo degaanka oo uu ula jeedo inuu cagta mariyo cid kasta oo ka soo horjeedda isaga  kuna khilaafsan qaabkiisa hoggaamineed. Waxaana Jigjiga laga billaabay in ganacsatada lagu khasbo inay bixiyaan lacago soona baxaan si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan hoggaaminta dagaalka ee Mustafe oo naf bidaya inuu sidaa ku sii cimri dheereysto.
  2. Qodobka labaad oo ah mid kaas ka khatar badan waxaa uu yahay sida uu Mustafe sheegay in dalka Soomaaliya laga soo gooyo qeybo ka mid ah (buffer Zone) oo kaas noqonaya dhul ka caagan Alshabaab, iyadoo shalay uu lahaa waxa gudaha ka dagaalamay waa ciidan Itoobiyaan ah Oromo iyo kooxo kale isugu jira Shabaabku waxay ahaayeen hogaamiyayaasha oo kaliya. 

Marka ujeedada halkaas ka muuqataa ma ahan shabaab la dagaallan ee waa in Soomaaliya loo helaa qaab ama lagu soo galo ama dhul hor looga qabsado waxaana horkacaya Musatafe Cagjar oo ay la shaqeynayaan Farmajo, Fahad iyo Kullane Jiis.

MOL waxay shalay bannaanka idiin soo dhigtay qorashaha iyo ujeeddooyinka ka dambeeya weerarada shabaab iyo kooxaha Itoobiya oo ah labada webi, maantana waxay ogaatay oo idiin sheegeysaa inuu jiro qorsho halis oo uu carabaabay Mustafe Cagjar, kaas oo ah in Gonolka Gedi gebi ahaanba lagu daro Itoobiya iyadoo degmooyin ka tirtsan Bakool iyo Hiiranna la raacin doono Itoobiya. 

Hadalka Musatafe wuxuu ka shifay hawllo ay beryahan wadeen MW hore Farmajo iyo Kooxdiisa, gaar ahaan Fahad iyo Kullane taas oo ah in Gedo lagu daro Itoobiya maadaama uu Axmed Madoobe Jubaland madax weli ka sii yahay, Farmajana dhacay.

Dhinaca kale, Mustafe waxaa uu eedeyn u soo jeediyey dowladaha Somaliya iyo Masar oo uu yiri waxaa dhibaatadaan ka dambeeya dad diidan Itoobiya inay wabiyadeeda ka faa’iideysato, kuwaas oo uu ula jeedo Nile, Shabeelle iyo Jubba.

Isku soo duub,  dadka Somaliyeed waa inay ku baarugaan inay soo socdaan qorshooyin halis oo isdaba yaal waxaana k amid ah:

  1. In Gedo iyo degaanno ka mid Bakool iyo Hiiraan lagu daro Itoobiya.
  2. In haddii lagu dari waayo In biyaha labada webi ee shabeelle iyo Jubba la xero oo laga joojiyo inay Somaliya u soo gudbaan.
  3. In la dhibaateeyo qabiillo badan oo dowlad Degaanka Somalida dega oo aan ku qanacsaneyn hogaaminta Musatfe ooh adda u muuqda inuu halis ku yahay gobolka oo dhan, rabanna inuu colaad la eedo ka abuuro gobolka oo dhan.

Haddaba iyadoo arrimahan maanka lagu hayo waa inay dowladda Xamar ee hadda ku mashquulsan soo saaristii golaheeda wasiirada ay si degdeg ah uga hawlgashaa inta aan lagu dhaqaaqin haddii kale waxay noqonee jiid aan ku jiidee waa gacmo daalis, mana aha wax la fududeysan karo.

Waa kan isagoo codkiisa uu ka baxayo VOA Somali