Mustafe Cagjar Waa sii ogaa Weerarka Shabab Waana ka Qariyey Dawladda Federalka Itoobiya. Akhriso

Reading Time: 3 minutes

Mustafe waxuu caddeystay inuu dagaal kula jiro Soomaaliya rabana inuu shabaab ka dhigo inay  saameyn ku leedahay dowladda Soomaaliya ee hadda dalka ka talisa. Dadka siyaasadda odorasa waxay isweydiinayeen muxuu Mustafe maalmihii tagay u beegsanayey Mahad Salaad, Soomaaliyana ula xiriirinayey Masar oo uu muran siyaasadeed kala dhexeeyo Itoobiya. Su’aashan waxay abuureysaa dareen iyo aragti cusub oo degaanka ku soo kordhay.

Xog cusub ayaa sheegeysa in Mustafe Cagjar uu sii ogaa dagaalka iyo Kooxaha xadka ka soo gudbayey waayo ina adeerkii Ismaciil Haaruun, madaxda Alshabaab ee Jubada Dhexe, fadhiyana Jilib, ayaa soo diray ciidanka weeraray degaannada Yeed, Aato iyo Washaaqo, gudahana u sii galay Itoobiya. Waxay xogaha na soo gaadhey caddaynayaan in Ismaaciil soo amba bixiyey, sahayna soo siiyey hogaaminayana uga soo dhigay Cali Diyaar oo isagana ay Mustaf Xigto dhow yihiin.

Intaa kuma eka ee la taliyaha Mustaf oo ay mar walba wada socdaan waa ninkan Axmed Ismaciil Haaruun oo uu dhalay ninkii ciidanka soo abaabulay ee keenay ilaa xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya Ismaciil Haaruun

Haddaba, dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya waa inay isweydiiyaan lugta uu Mustafe ku leeyahay dagaalkaan ay dadka badani ku dhinteen. Xog intee la eg ayuu ka hayey ciidankaan Mustafe? Muxuu dowladda Federaalka ula wadaagi waayey xogtaas haddii uusan qeyb ka ahayn?

Waa iska cadahay Musatafe waxuu dagaal kula jiraa dowladda Xasan Sheekh iyo Xamse ee hadda ka billaabatay Soomaaliya, isagoo u abaalgudaya raggii isaga soo dhisay ee uu haraadiga ka yahay.

Beegsashada Mahad Salad agaasimaha NISA kama socota oo kaliya Mustafe Cagjar ee  waxaa abaabulka kula jira ninkii uu shaqada ka qaatay ee Fahad Yasiin ahaa, kaas oo Mustafe abaal weyn ku leh soona dhisay, kadib markii ay siisay dowladdii Farmajo lacag xoog leh xelligii uu Mustafe dadaalka ugu jirey xilkan uu hadda ummadda ku dhibaateynayo.

Dhinaca kale, Muastafe waxuu dagaal kula jiraa Xasan Sheekh iyo Xamse Cabdi Barre sababo kala duwan oo haddana isku meel ku dhamaanaya. Xasan Sheekh waxuu ugu careysan yahay waxuu ka guuleystay ninkii Mustafe rabay inuu sii Joogo, Farmajo. Taasina waa halka ay ka mideysan yihiin labada nin ee Fahad iyo Cagjar oo u haysta inay lumiyeen odaygii u geed fadhi ahaa oo jiritaankiisa wax badan ay ku hallayn jireen.

Sababta uu Muatafe Cagjar ula dagaalsan Xamse waxay tahay inay isku reer yihiin, guusha ay Xamse dowladiisu gaarto uu arko mid dhaawac ku ah raggii kursiga looga qaaday shaqo xumo iyo waxqabad xumo.

Sidaas darted,  Musatafe oo ah kan kaliya ee ka haray kooxdaas waxaa uu isku dayayaa waddo kasta oo uu ku suura xumeyn karo dowladda Soomaaliya kuna gelin karo dagaal ay la gasho Itoobiya. Mustafe shalay waxuu lahaa kooxo gudaha Itoobiya ka jira ayaa dagaalka wada, halka maanta uu leeyahay waa inaan Soomaaliya dhul ka qabsannaa, qorshahaas oo ah mid isaga ka weyn oo ay wadaan Farmajo, Fahad iyo Kullane si gobolka Gedo looga gooyo Somaliya loona yiraahdo waa dhul shabaab ka caagan (buffer Zone).

Musatafe haddii aysan Xamse iyo Xasan Sheekh go’aan cad ka qaadan waxuu abuuri karaa inuu madaxa isu geliyo Itoobiya iyo Soomaaliya kaas oo ah waxay rabaan Farmajo iyo Fahad si ay dowladdaan u fashilanto. Mustafe Cagjar yaan maanta la fududeysan oo berri laga shallayn markii labada webi laxerto, gobolka Gedo lagu daro Itoobiya, Bakool iyo Hiiraanna laga sameysto fadhiisimo ciidamo Itoobiyaan loona bixiyo waa dhul u dhaxeeya Somaliya iyo Itoobiya oo aan qofna ku noolaan Karin.