Mustafe Cagjar oo Soomaaliland ugu baaqay in ay siidaayaan Cabdi Maamlik Coldoon

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowladda Deegaanka ismaamulka Itoobiya ayaa waxa uu cod dheer Maamulka Soomaaliland uga dalbaday in ay si degdeg ah u sii daayaan weriye Cabdi Maalik Muusse Coldoon oo u xiran Xukuumada Muuse Biixi.

Qoraal uu soo dhigey Barta Facebook ayuu ku sheegay in Cabdi Maalik uu yahay astaan u dhaxeysa Soomaali oo dhan,isla markaana dadaal ay ku bixinayaan sidii loo siideyn lahaa.
“Xukuumada deegaan-ku waxay isku dayaysaa markale inay kala hadasho, madaxwayne muuse biixi iyo xukuumada uu hogaaminayo somaliland. Samafale Abdimaalik muuse siduu xoriyadiiisa Uu u heli-lahaa! Abdimaalik sheikh muuse Waa Astaan Somaali kadhaxaysa ayuu yiri”Mustafe Cagjar.