Mustafe Cagjar oo Somalinimada ku Gabbanaya Hoostana Wax kale ka ah!

Reading Time: 2 minutes

Mararka qaar hogaamiyaha Fashilmay dhagahiisa iyo afkiisa isma maqlaan, waxana kuu caddeynaya Musfate Cagjar oo maanta Somalinimo ku heesaya. Qof raba inuu isku dilo  Kuwa  isaga la qabiilka ah balse rabi uu ka dhigay jufa kale oo aysan iyagu dooran ee Reer Cabdille uu ka hor keeno reer Isaq oo shabaabka uu ku dahaaray. Muxuusa shabaabka xogtooda uga qariyey dowladda Federaalka Itoobiya oo ay Ciidamadeeda Joogaan Baydhabo?

Kuwa uu rabo inay ku dhintaan dagaaladda waa ehelkiis oo jufa kale uun noqday waana dhallainyaro uu isaga dagaall gelinayo kuwaas oo u arkeen inuu madaxweynahoodii yahay, isagana uu u arkay inay cadowgiisa kowaad yihiin.

Muxuu u shaqeyn waayey dhiigga Somalinimo ee uu hadda leeyahay waa nagu jiraa oo lafaheenna haddii la shiido Somalinimaa ka soo baxaysa markii shabaabku ay laaynayeen dhallinyaradaas? 

Mustafe oo ku dhow inuu is ooysiiyo sida lagu yaqaanno diktatarrada oo inta dilaan qofka haddana ku dul ooya meydkooda ayaa fagaare aan cidda uu lahadlayaa loo jeedin ka yiri “Soomalinimada cid naga jecel ma jirto hadii dhiiga iyo laftayadaba la shiido Soomalinimaa loogu tagayaa.” 

Shabaab waa cadow Somaliyeed cid kasta oo u ku kaalmeysaa Falalka argagixisona waa noola mid yihiin shababka ayey Somalida oo dhan qabtaa. Haddaba marka Mustafe si uu isaga ajandihiisa gurran ugu tageero  ayuu indhaha ka qabsaday  markii uu ina adeerkii Ismaciil Haaruun ka soo abaabulayey Jilib,  oo koofurta fog ee Somalia,  hogaankii shabaab ee dagaalgelin lahaa dhallinyarada ku jiray gudaha Itoobiya oo ay dhici karto in horay loo geliyey ama gudaha lagu tabaray sidee ayuu hadda Somalinmo u sheegan karaa.

Waa dhab inuu Mustafe muqaalka Somali ka yahay kana soo jeedo mid ka mid ah beelaha halgan iyo gumeysi diidka lagu yaqaanno sida Sayid Maxamed iyo Abwaan Dhoodaan, hasa yeeshee qalbiga waa nin Amxaar ka ah, taarikhdana iyadaa isku marqaati furi doonta haddii waxyar loo kaadiyo.

Hubaal weeye inaysan qarsooneyn in dowladda Itoobiya iyo sirdoonkeedaba ay ogyihiin xogaha dagaalkan ku xeeran  lana sugayaan goor ku haboon oo ay tallaabo ka qaadaan Mustafe iyo kooxda la ogeyd weerka bahalnimo ee lagu laayey ciidanka Liyuu boliis oo hayey hawshii loo diray.

Mustafe iyo kooxdiisa waxay ka fa’iideysanayaan xaaladda addag ee Itoobiya ku sugan tahay xelligan sida dagaallada uu isaga ka dhex abuuray cafarta iyo Somalida, Oramada iyo Somalida, iyo iyadoo dhinaca kale ay Itoobiya ka jiraan xaalado kale oo adag sida muranka xudeeed ee Sudan kala dhaxeeya, Kan Tigray iyo dagaallada lagu hoobtay ee Amxaarada iyo Oramada.

Mustafe inkastoo ay timuhu bideen  oo laga filayey garasho iyo xusuus intaas dhaanto hadda waxaa la hubaa inuu joogay 2006 bishii Disember markii Ciidanka Itoobiya ay xuduudka ka tallaabeen iyo halkii ay ku dameeyeen maanta oo ay Somaliya haysato hogaaminta Xasan Sheekh  Maxamuud iyo Xamza Cabdi Barre wiil aan dhagihiisa iyo afkiisa is maqleyn waxba kama qaadi karo.

Mustafe waxay ahayd inuu mashkuulo wax ka qabashada Somalida iyo qowmiyaha dhul boobka ku haya waxaa uu maanta maciin ka dhiganayaa inuu ku mashquulo in Gedo iyo Degaanno Bakool iyo Hiiraan ka mid ah lagu daro Itoobiya. Isla markaana dagaal beeleed laga dhex abuuro Ogaadeenka dhexdiisa isagoo ku xumeynaya RW Xamza iyo Xasan sheekh.

Armaa la soo gaaray xelligii ay dowladda Itoobiya u sheegi  lahayd inuu hogaanka dowlad degaanka Somalida wareejiyo inta uusan sariirta ag dhigan Cabdi Iley.