Musharaxiintii aan isdiiwaan galin oo codsatay in la diiwaan galiyo! Maxa soo kordhay?

Reading Time: 2 minutes

Musharixiintii diiday in ay isdiiwaan galiyaan xiligii ay furnayd isdiiwaangalinta araajida musharaxiinta u tartamaysa doorashada kursiga madaxweynaha ee Jubbaland ayaa si dadban u codsaday in loo ogolaado in ay isdiiwaan galiyaan.

Musharaxiinta ay ku jiraan Cabdirashiid Xidig, Maxmed C. Oomaar, Shiikh Shaakul iyo Cabdinasir Seeraar ayaa waxa la soo diristay xaalad ayan marnaba ku tagalagalin in ay ku dhici karto taas oo ah in Doorashada Jubbaland ay soconayso iyada oo waliba beesha caalamamka iyo AMISOM ay labaduba si buuxda u taageerayaan geedis socodka Doorashada Jubbaland.

Beesha caalamka ayaa ku wargalisay Gudiga doorashooyinka Jubbaland in ay raali ka yihiin qaabka wax u socdaan waxaana loogu deeqay dhaqaale ay ku fuliyaan shaqooyinka u haray Gudiga.

Kooxaha ay wadato Villa Soomaaliya ayaa waxa ay soo istaageen meel cidla ah ka markii MW Farmaajo ku guuldaraystay in ciidamada Itoobiyaanka ay la wareegaan amaanka ilaha muhimka u ah in uu MW Axmad Madoobe xoog looga saaro magaalada Kismaanyo sidii ka dhacday Baydhabo oo kale.

Hadaba waxaa saakay fartiin dadban la gaarsiiyay gudigii madaxa banaan ee doorashada Jubbaland kuwaas oo laga codsaday in ay dib ugu furaan isdiiwaangalinta doorashada. Laakiin talaabadan ayaan marnaba suuragal ahaan doonin madaaama xeer hoosaadka doorashada Jubbaland aan laga hor imaan karin.

Cabdinur Dirir oo ka mida taageerayaasha Cabdirashiiid Xidig  ayaa sheegay in ay qalad ahayd in Xidig iyo kooxaha kale  ay diidaan isdiiwaan galinta. Waxa uu yiri “Axmad Madoobe waxaa la siiyay fursad dib loogu soo doorto sababta oo ah musharixiinta ka soo horjeeday ayaa siyaasada si qaldan u aqrisay”.Waxa uu ku daray “..gudiga doorashada madaxa banaan  anaga ayaa ogolaanay jiritaankooda , horayna waanu ula kulanay hadaba cid naga maqlaysa ma jiri karto , gudi cusub ayaan samaysanaynaa, waxaan u ekaanaynaa dad nabad diid ah oo waalan”.

Nin kale oo ka ku sugan magaalada Kismaanyo oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa yiri “war ma anaga  waalan mise cadan baa laga heesayaa, sidee bay suuragul ku tahay in aad ku guulaysato ciyaar aadanba u soo xaadirin in aad ciyaarto, saaxiibadeey talada wey seegtay, gudi cusub baan magacaabaynaa iyo meel kale ayaan ku qabanaynaa doorashada waa sheekadii  Kenye ee Raila Odinga, mana shaqaynayso”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa musharaxiin badan  lacag badan uga cuntay iyaga oo sheeganaya in ay ka taqalusayaan Axmad Madoobe. Waxaa hada muuqata in doorashada Jubbaland ka dhacayso Kismaanyo isla markaana musharixiintii Farmaajo watay ayan qayb ka noqon doonin doorashadaas?.

Fursada kaliya ee Farmaajo haysto waa in uu qal-qal siyaasadeed iyo mid amni  ka abuuraa magalaada Kismaayo si doorashada oo dhan loo baajiyo. Axmad Madoobe iyo ciidamada AMISOM oo ka warhaya qorshahaas ayaa dhankooda diyaarsaday qorshooyin looga hortagayo hagardamada Farmaajo iyo kooxdiisa.