Waxaan dhowaan daawaday muuqaal kooban oo uu Farmaajo ku sheegay in uu mar kale yahay musharrax u taagan qabashada xilka ugu sarreeya dalka, sidoo kale uu diyaar u yahay in uu iska xaadiriyo teendhada Afisyooni, kana qaybgalo doorashada madaxtinnimo ee la filayo in ay dhacdo 15 Maajo, 2022 oo ah maalin ku beegan xuska halgankii dhallinyarada SYL.
Waxaa aad iiga yaabiyey mar uu leeyahay “…dalkan waxa uu maanta u baahan yahay hoggaan aamin ah, oo ilaaliya ammaanada ummadda iyo hantida qaranka.” Waxaan isweyddiiyey maxaa ka run ah hadalkaas? Markii aan baaris ku sameeyey waxaa ii soo baxday in shantii sano ee la soo dhaafay aan safka hore kaga jirnay liiska dalalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka. Si kale u dhig, markii uu Farmaajo xukunka yimaaday ka dib waxa uu ku kacay saddex nooc oo musuqmaasuq ah, waxayna kala yihiin:
- Musuq siyaasadeed
- Mid dhaqaale
- Iyo bulsho
Musuqmaasuq ka weyn ma jiro in xafiiska ugu sarreeya dalka iyo awoodda sharciyeesan
(legitimate authority) loo isticmaalo dano gaar ah sida in lagu cabburiyo mucaaradka, warbaahinta xorta ah iwm. Intaas waxaa ka sii daran in kursigii Villa Somalia ee shacabka Soomaaliyeed ka dhexeeyey la isku dhejiyo.
Musuq siyaasadeed
Farmaajo iyo ra’iisulwasaarihiisii hore Hassan Ali Kheyre intii ay xukunka joogeen waxaa dalka ka dhacay musuqmaasuq siyaasadeed kuwii ugu darnaa abid, waxaa ka mid ah: (A) in si sharcidarro ah lagu weeraray siyaasi mucaarad ah, (B) in waddo aan sharci ahayn loo maray xilka qaadistii Jawaari, (C) Dhiibistii halgamaa qalbi dhagax, (D) dhacdadii Baydhabo, (E) cunaqabateyntii hawada ee la saaray Jubaland iyo tii dhaqaale ee la saaray Somaliland.
Intaas kor ku xusan ee aan soo sheegay iyo kuwa kale oo badan ayaa dhacay intii u dhexeysay 2017-2020, waxaana sababteeda lahaa Farmaajo iyo Kheyre oo xukunka ku takrifalay, iyaga oo raadinaayey dano siyaasadeed oo u gaar ah. Si kale u dhig, musuq ka halis badan ma jiro in xukunka loo isticmaalo rabitaan shakhsi iyada oo la baalmarayo dastuurka dalka.
Mid dhaqaale
Saddexdii sano ee uu ra’iisulwasaaraha ahaa Hassan Ali Kheyre wuxuu ku fashilmey in uu
baarlamaanka horgeeyo xisaabxirkii 2019 iyo 2020 si looga doodo, su’aallana la iska weyddiiyo. Sababta ugu weyn ee ku kalliftay in baarlamaanka uu ka dhuunto waxaa koow ka ah in xisaabxirkii miisaaniyadda 2018 lagu qabsaday lacag 42 milyan ah oo aan caddeyn meel lagu bixiyey, markii la weyddiiyeyna wuxuu weerar ku qaaday guddigii maaliyadda ee baarlamaanka. Isla sanadkaas ayaa ugu dambeysay in uu soo horistaago baarlamaanka, horkeeno xisaabxir, diyaarna u noqdo islaxisaabtan.
Dhanka kale, waxaa la musuqmaasuqay lacagtii loogu talaggalay in lagaga hortego safmareenka Covid19 iyada oo aan weli la ogeyn meel ay ku dambeysay. Waxaa kaloo jirta dhaadhac badan oo laga helay heshiiskii shidaalka ee hoteel ku yaala magaalada Istanbul loogu saxiixay shirkadda Coasline Exploration, shatiyo kalluumeysi oo la siiyey shirkado ajnabi ah.
Beentii Farmaajo ee ahayd aniga waxaan ahay qof ilaaliyey hantida qaranka halkaas ha ku soo xiranto waayo hantida qaranka waxaa ka mid ah khayraadka badda, shidaalka iyo deeqaha caalamiga. Waan soo aragnay sida uu ugu takrifalay, dowladdiisu u saxiixday heshiisyo hoose oo aan shacabka Soomaaliyeed ka warheynin, baarlamaankana la soconin. (Fiiri warbixinta hantidhowrka qaranka ee soo baxday sanadkii 2021).
Musuq Bulsho
Qayb ka mid ah waxqabadka Farmaajo iyo Kheyre waxaa ka mid ah indhasarcaadinta (sida igu sawir) iyo kala qaybinta bulshada iyada oo lacag badan lagu bixiyey cayayaanka baraha bulshada (CBB). Heer la gaaray in la kala garan waayo shaqooyinka igu sawirta ah iyo kuwa aan igu sawirta ahayn, sawirka laftirkiisa in laga shakiyo!
Waxaa meesha ka baxday akhlaaqdii bulshada iyada oo caado iska noqotay in la is caayo, la isku sameeyo sumcad dil iwm.
WQ: Xasan Mudane Bare Jaamacadeed
Fekerka qoraalkan waxaa uu u gaar yahay qoraha.