Musharaxiintii hore oo magacawday gudi doorasho iyo Farmaajo oo dhiirigalinaya

Reading Time: < 1 minute

Musharaxiintii diiday in ay isku isdiiwaan galiso doorashda Jubbaland ayaa maanta magacaawday gudi ay ku sheegeen gudiga doorashada Jubbaland. Magacaabida gudigaan ayaa lagu sheegay in ujeedada laga leeyahay ay tahay in dagaal ka dhaco magalaada Kismaanyo isla markanaa Jubbaland laga abauuri dhibaatadii horay u burburisay Dowlad Goboleedka Galmududg.

Gudiga maanta la magacaabay ayaa  ah kuwa aan ku taagnaynin sharci isla markaana uusan aqoonsanaynin baarlamaanka Jubbaland. Dhanka kale Deg degta lagu magacaaabay gudiga ayaa  looga jawaabayaa shirkii jaraa’id oo ay maanta qabteen gudiga sharciga ah ee doorashada Jubbaland kaas oo ay ku sheegeen in ay soo dhamaatay xulista xubnaha ku tartamaya kuraaska baarlamaanka Jubbaland.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay MOL ayaa sheegaya in Dowlada Fedaraalka ay ku dhiirigalisay magacaabista gudiga si qalalaase siyaasadeed iyo mid amni uga dhasho Jubbaland gaat ahaan magaalada Kismaanyo taas oo keeni doonrta in lagu qabsbo maamulka Jubbaland in  dowlada Fedaraalka soo faragaliso.

Wali waxaan la ogaynin talaabada ay qaadi doonaan Dowlada Jubbaland iyo hogaanka AMISOM oo sheegay in ay ku qanacsan yihiin qaabka doorashada loo wado.