Musharaxiintii hore ee doorashada Jubbaland oo qoraal u gudbisay IGAD

Reading Time: 2 minutes

Musharraxiintii ka biyo diiday in ay is diiwaan galiyaan si ay uga  qayb-galaan doorashada Jubbaland ayaa kulan ay la yeesheen IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Cali Guyo waxay u gudibiyeen qoraal cabasho.

Qoraalka cabashada ah ayaa ay ku sheegeen sharuudo ay ku xirayaan ka qayb galka doorashada Jubbaland. IGAD ayaa la kulantay gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka, Musharaxiinta u taagan doorashada hadda,  sidoo kale waxa ay soo booqdeen xarunta ay ka dhici doonto doorashada Jubblanad.

Dhanka kale waxaa dardar ku socda qaban qaabada doorashada Jubbaland mana u muuqato in ay cidi u istaajinayso doorashada. IGAD ayaa horay u sheegtay in ay ayan lahaynin awood ay waxa kaga badhasho doorashada Jubbaland. Maxamed Guyo ayaa u sheegay in fartiinta loo dhiibo uu u gudbin doonon madaxda IGAD.

Qodobbada ay soo saareen musharraxiinta isbedel doonka ah ee Jubbaland ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadoo odayaasha dhaqanka la sheegay inay gudbiyeen liiskii ugu dambeeyay ee xildhibaannada ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee Jubbaland.

Dowlada Fedaraalka ayaa u sheegtay musharaxiinta Jubbaland  in ayan waxba ka qaban karin geedi socodka doorashada Jubbaland sinas darteedna ay cabashadoda la’aadaan beesha caalamka.

Halkaan ka aqriso qoraalka ay gudbiyeen